Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya Oo Munaasabadda 15-Ka May Awgeed Baaq U Diray Dhallinyarada

Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya Oo Munaasabadda 15-Ka May Awgeed Baaq U Diray Dhallinyarada

Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya ayaa hambalyo u diray dhallinyarada munaasabadda 15-ka May, isagoona baaq gaar ah u diray dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Xiriirka Shataranjiga Soomaaliyeed Md. Axmed Xasan Cabdi (Wataac) ayaa ugu hambalyeeyay dhallinyarada sanadguurada ka soo wareegatay asaaska maalinta dhallinyarada Soomaaliya ee 15-ka May.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed hambalyo ayaan u dirayaa munaasabadda 15-ka may awgeed, waana cudud dadka iyo dalka uu maanta ku taamayo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya isagoo ka faa’iideysanaya xuska 15-ka May, waxa uu ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa wax ku baraneysa inay sare u qaadaan ciyaarta Shataranjiga ama Chess-ka loo yaqaano, bacdamaa da’ yarta iyo ardayda wax baraneysa muhiim ugu tahay dhinaca maskaxdooda.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay kordhiyaan ciyaarta Shataranjiga oo faa’iidoyin badan u leh” ayuu yiri Guddoomiye Wataac oo sheegay in xiriirkoodu guulo badan ka soo hooyay tartamo ciyeer dalka gudihiisa iyo dibadiisa ka kala dhacay.

Dhinaca kale Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya ayaa ballanqaaday inuu ururrada dhallinyarada iyo ardaydaba ka caawinayo sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen ciyaarta Daamada, isagoona horay dhallinyaro ciyaartoy ah oo fara badan u soo saaray, kuwaasi oo ka faa’iideystay fursado uu xiriirku ku siiyay horumarinta barashada ciyaarta Chess-ka.