Waxa si rasmi ah loo furay Safaaradda Soomaaliyeed ee Magaalada Washington ka dib markii ay xirneyd ku dhawaad 24 sano,taa oo ay sabab u aheyd dagaaladii sokeeyey ee ka qarxay Dalka Soomaaliya oo burbur dhan kastaba baday Qarankii Horseedka ka ahaa dawladaha afrika,waxaana Dagaaladaasi laga dhaxlay dhibaatooyin waxyeeleeyey kaabayaasha Dhaqaalaha ,SIyaasadda iyo Arrimaha Bulshadda,waxay ummadda Soomaaliyeed uu u horseeday in ay waayaan aqoonsigii Dawladnimo taa oo jahwareer galiyey Ummaddii ku abtirsaneysay Qaranka Soomaaliyeed .
Hadaba,waxyeeladaasi kala dhantaalay jiritaankii Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxa uu keenay in Safaraadaha ay Soomaalidu ku leedahay adduun weynaha ay burburaan loona waayey cid arrintaa u istaagta,waxaase nasiib wanaag noqotay in Taarikhdu markey aheyd Nov.18,2015 ay soo bidhaantay hammigii ay Ummadda Soomaaliyeed sugaayeen muddada dheer ka dib markii dib loo dayactiray loona furay Safaaradii Soomaaliyeed ee Dalka Mareykanka uu Safiir nooga yahay AXMED CAWAD oo waqti badan u huray in Calanka Soomaaliyeed mar kale la suro Safaaradeena,taa waxay la mid aheyd maaliintii aanu xornimadda qaadanay ee 1960kii,waxa oohin la qarxaday Ummaddii Soomaaliyeed ee arrintaa markhaatiga ka aheyd,waxa la wada qaaday heestii SOOMAALIYEY TOOSAA,TOOSA ISKU TIIRSADA,waxaana maalintaasi ku tilmaami karaa in aysan marnaba quluubta Soomaalida aysan ka go’eynin.
Waxaana Xafladda Furitaanka ka soo qeyb galay Madax ka socota Safaaradaha Dawladaha Afrikaanka ah,Safaaradaha Carabta,Saraakiil ka socota Dawlada Mareykanka,Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee CANADA IYO USA,waxa kaloo ka soo qeybgalay LINDA THOMAS oo ka socotaya Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dalka Mareykanka,Xildhibaanka laga soo doorta Magaaladda Mineapolis,Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Jamhuuriyadda soomaaliyeed Mudane Cabdisalaam, iyo Dadweyne kale.oo bahda Sportiga Jaaliyadda Atlanta kamid ahaayeen.
waxaana halkaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Safiirka Soomaaliyeed ee USA Mudane AXMED CAWAD isagoo maalintaasi ku tilmaamay maalin ay Ummadda Soomaaliyeed ka soo baxday Mugdi uuna soo baxday in ay wax la qeybsato Ummadda Caalamka,waxa uu sheegay Safiirkeena in ay Ummadda Soomaaliyeed markaan gacmaha is qabsadaan una soo jeestaan dhismaha Wadankooda,waxaana uu halkaa loogu tumay sacab aad uu weyn.
madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh ayaa waxa uu kaga qeyb galay habka muuqaalka isagoo ku tilmaamay maanta waxaan cadeynayaa in dadaalkii Dawladda Soomaaliyeed ay soo gashay aanu mirihiisa guraneyno,waxa uu Ummadda Soomaaliyeed xusuusiyey in Qaranka Soomaaliyeed uu u baahanyahay in loo huro wax kastaba,waxa kaloo uu sheegay in aqoonsigii ay Dawladda Soomaaliyeed heshay sanadkii 2013 aanuu maanta ku naalooneyno waxyaabihii ka soo baxay isagoo ballanqaaday in Dawladda Soomaaliyeed ay halkaa ka wadi doonto dadaalka in qaran keenu uu lugahiisa ku istaagayo,waxaana uu u mahadceliyey dhamaan Dawladaha dadaalkaasi nala galay oo ay ugu horeyso Dawladda Mareykanka iyo shacabkeeda.
Xafladaasi waxa bilay jaaliyadiihii halkaa ka soo qeyb galay oo ay ugu horeeyeen Jaaliyadda Magaaladda Atlanta iyo Virgiinia oo ay ka dhexmuuqdeen halyeeyo Isboortiga oo la yaqaano,waxayna kala ahaayeen;
1)Inj. Cumar Shkheey……………………………….Gudoomiyaha Jaaliyadda Atlanta.
2)Dr. Cali Cusmaan Cali……………………………Gudoomiyaha Isboortiga ee Atlanta.
3)Aweys Muse (Aweys Fundi)……………………Gudoomiye Kuxigeenka Isboortiga ee Atlanta.
4)Maxamed Suufi Abashekh……………………..Ganacsada Magac weyn ku leh Atlanta.
5)Maxamed Cali Kamoole…………………………Saraakiishii dawladahii hore ee Qaranka Soomaaliyeed.
6)Inj.cab dulqaadir Caraale……………………….Gudoomiye ku xigeen XSCF
7)khaliif Shire (Khaliif Riiko)………………………Kooxdii kubadda Cagta eeba dda Xulka Qaranka Soomaaliyeed.
8)Sucaad CabdulaahiMaxamed………………..Kooxda Kubadda Koleyga ee Horseed Xulkii Qaranka .
Waxaana ugu dambeyntii wareysi bixiyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta oo ay wareysi la yeesheen Telefishinadda ugu afka dheer ee Washington,waxaana uu Gudoomiyaha hadalkiisii ku bilaabay,”waxaan soo galnay socod dheer ,waxaana soo gudubnay jiidad,waxaanu soo safarnay inagoo garbaha is haysano si aan uga gun gaarno hadafkeena,waxaanu guntiga dhiisha isaga dhignay si aanu u sugno jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed,waxaanu raacnay raadadkii Halyeeyadii ummadaan u soo halgamay” ,
Wuxuu Intaa Raaciyey “wadaniyadda waa aaladda lagu burburin karo kala qeybsanaanta,waaxan dugsanaa wadaniyadda,waxaan dadka u sheegnaa in qabiilka ay astaantiisu tahay halaag isagoo abuuraya kala shakin iyo cadaawad aan dhamaaneynin,wadiniyadu ma aha shaqo waqti gaaban ku meelmareysa laakiin waxay u baahan tahay in hirgelinteeda lagu mintido” waxa uu Mudane Cumarow uu yiri in ay maanta ay noqoneyso mid aanu u gudbino jiilalka soo koraayo isagoo aad iyo aad u amaanay Dawladda Soomaaliyeed iyo Safiirka Soomaalia ee USA Mudane AXMED CAWAD,waxaana uu hadalkiisii ku soo xiray isagoo qiireysan SOOMALIYA SOOMAALI BAA LEH.